Table of contents
No headings in the article.
Hada waan kuu waramayaa Haa !*
Waa runt oo aad baan u jecelyahay iyada , waxaa ay ahayd qofka ogu horeeyay ee noloshayda soo galo ayay ahayd , Anigana waxaan isticmaalay wax weliba ee aan ku kasban karo qalbigeeda , waxay gaadhay ilaa xad ay igu aaminto wax ay walaaladeed xataa ku aaminayn , nolosheeda oo idil sida hooyadu cunugeeda yar oo ay umusha kula jirto ay ola socodta oo kale ayaam oola socday ; iyaduna sidaa oo kale ayay iila socodtay , wax inoo kala qarsanaa haba yaraatee ma aysan jidhin. Naf qaybsi : Haa ! dhib iyo dheefba waa aynu wada qaybsan jidhnay , way i aamintay anna sidaa oo kale , waa ay ilaalisay anna sidaa oo kale ; waxaan niyada iyo qalbiguba ka dhaadhiciyay inaan nahay laba isu dooran ee aan cidi kala dhex galli karayn , taasina waan ka dhabbaynay oo cid awood u yeellatay inay ina kala dhantaasho ma aysan dhicin — balse nasiib xumo si un baan isu fahmi waynay oo waxaadba moodaa inaan ku socono wadadii kala tagga iyo kala nasiibsashada.
Waxaan ilaaliyaa qalbigii i aaminay inaan dhaawac yar ugaysto ee aan isugu furo iridaha nafsiga iyo balan ka baxa , iyaduna waxa ay ku andacootaa inay garabkayga tahay , qalbigeeduna sidii ii jecel yahay , balse waa ay ka gaabisay xidhiidhkii oo waxaa ay u muuqataa in qaladaadgayaga iyo ismaan-dhaafkii dhexdeena yimaaday in badan soona noqnoqday inuu dhaawac iyo danayn la'aantu taasi keentay — balse waxaan iyada ku dhahay in badana wacdi iyo waxsheeg uga dhiggay in xidhiidhku qalad dhacay burburin karayn waa hadii dhan kasta oo kaa kasoo hadhaayi dhib uusan ka jidhin. Buuq kasta oo ka dhex dhacaa laba qof wax laisku diidan yahay amase aan dhahaba tartan iyo xifaaltan ayuu salka ku hayn karaa , balse muranka iyo buuqa laba is jecel xidhiidhna ka dhaxeeyo — waxaa uu salka ku hayaa amase la xidhiidhaa , Sidee xidhiidhka iyo jacaylka usare marinnaa ; aan is jeclaano , inaan ku waayo kuma farxayee sidaa ayaan udagaalayaa iyo waxyaaba fudud ee aan buuqba dhalinayn baa laisku qabsadaa — taasina kala tag iyo nacayb ma ahan ee xal yar oo ah : is maqal iyo isku tanaazul un ubaahan tahay. Dhexdhexaadiyihii qisada looga dhacayey — ayaa hada leh , arinkiina waxaa uu u egyahay laba qof oo qalbiga iska jecel , wadnahana isaga yaal ; balse is fahmi la' . Yarkii : Haa , dabcan waa sidaa jaalle . "Waayhay haggaag , mid sameeya , inaad waqti balan yeellataan , wada hadla — adiga ayaa nin rag ah ee qalad iyo qalad la'aanba , adinka ooo baadhaynin soona faqaynin wixii taggay si deggan u raali gellli ; waayo waa qof ku jecel , dumarkuna iyaga oo kaa qaldan xitaa si toos ahkuma dhihi doonto anaa qaldan ; u deji adigana raali geli .
~ Gar aan waa dhawayd galay! Adkaa.
— Hassan Abdijabar