"Jacayl- iyo tabashadiisa"

Table of contents

No heading

No headings in the article.

Dareenkaad dishay iyo qalbigii aad dhaawacday, kagana tagtay tabashooyin iyo caloolyoow dhexdooda, waxay leeyihiin — diirnax la'aan iyo calool adeyg miyaad lahayd? Haa! Anigu ma qaldani ee waan saxnahay, waayo waxaan soo xasuustay xilligan aan ku suganahay - hadal ama weedh ay adeegsadaan dadka badi ama qoraal aan meel ku arkay oo ahaa: "barasha horteed ha nicin." Aniga oo aan baran qofka dhabta ah ee aad tahay, ogaaninna, sidee ayaan kugu qiimeyn lahaa, kuna ogaan lahaa qofka dhabta ah ee aad tahay!?

Ma eersanayo ereyadaadii wadno-taabadka ahaa , balse waxaan eersanayaa — isa siinta buuxda ee aan iskaa siiyay . Waxay ahayd inaan maanka geliyo inaan ku waayi karo , wax welibana dhici karaan , hadii aan sida taa ufikir lahaaa culayskan daran iyo kaa ahaanshiyo la'aantan maysan la ekaatayn ama dhanaatayn baaxadan ; mawjadaha xasuusahaaga ayaan dhex dabbaashaa — habeen iyo maalinba ! Aniga oo dhex boodaya , baarayana wada sheekaysigeenii lahaa isku dhac , israaligellin , qosoladii , kaftankii , jacaylkii iyo waraysiyadeenii quruxda badnaa ee naxariista lagu ladhay , ayaan sida darsi wax laiga waydiin doono , ee aan imtixaan ku galayo — u dhaalacdaa , udul-meeraa, uaqriyaa si fahan iyo fiiraba leh.

Xanuunada qalbiga iyo dareen i geeya meel adag ayaan gallaa . Waxaad ahayd naftii ogu horaysay ee aan jacayl ku abuuro ,una qaaday — Waxaad i tustay naxariis , kal-gacal , farxad iyo inaan haysto qof hadii aan yagleelno qoysna is fahmi doono ; ila garan doono sida aan ahay aniga oo afka oga qeexin , dhib iyo dheefna ila qaybsan doono ; taasi waxaan uleeyahay waxaad ahayd qof si dhaw iila socday iina fahmi jidhay xaalad weliba ee ila soo deristo. Jacaylka iyo xidhiidhka ma dambi baa !? Waa waydiinaha iiga yimaado naftayda ' Mayo ! Dambi maahan , waayo waa dareen qalbiga ka yimaado , qalbigana aniga iyo adigaba ma maamulno — waxaa maamulka leh Alle ; waa sababta loo dhahay ninka ragga ah labada xaas uu wada qabo , xagga la baryidda , nafaqada iyo waxsiinta uma kala badin karo , xaga arad-bixinta - haduu cadaalad daro sidaa ah sameeyo isaga oo dhinac shalo ah ama dhinac u janjeedha ayuu iman aakiro waa tii xadiiith ahaa ; balse xaga jacaylka looma qabanyo — waayo mid un buu jacaylkeeda ku badan karaa isagana ma maamulo qalbiga "

Xidhiidhku : waa is barashada iyo isla jaangoynta guurka iyo in la wada hadlo , sidii qoyskaa la suagyo dhisiddiisa loo maarayn lahaa ; ee ma ahan sida aan uaragno. Waa buundo loo sii maro guurka iyo dhisidda qoyska . Qofka aad sheekada iyo xidhiidhka ku fahmi waysid ama ku kala aragti duwnaataan waxay la dhigan tahay — isma qaadan kartaan ; Haisku dhabar-jebinin hadaba Allaab aadan ku qanacsaneen , Waa sida Alaabta oo kale iyo iibka shkuaansiga — shayga aad baayacaysid hadii uu hada ku qancin waayo , ma marka aad iibsatid buu ku qancin doonaa! Waa mayo hubbaal." Qalbi aad dhaawici doontid hadaba ha ufurin xidhiidh iyo wadadii aad ku dhaawici lahayd.

- Wuxuu yidhi dhaawacayga waxaa badiyay soona celceliyay — inaan calool jilcanahay , marwaliba oo ay igu calaancasho ama iska ooyso inaan damqado ilaawana wixi nabara ee igu dhacay , laiina gaystay ! qoftii sidaa aan ogu calool nuglaa , maalma kadib waa sideedii oo isbedel iyo turaal ma leh — mindidii dhaawacii hore ay iigu gaysatay oo waliba dhiiigii kasii qoyan yahay bay iigu labo-celisaa ; iguna dooxdaa— waxaan go'aan saday inaaan siiyo talo ah : Si ay udareemaynij tagitaankaaga oga hoos bax , oo dhaawac iyo si kusoo boodo ah jaaw ha odhan ee Oga aarso ka gaabsi iyo tartiib tartiib inaaad oga jaratid wicitaankii iyo qalbigaagiiba "!

- Inay ku raali geliyaan badankood dumar liidmo iyo hoosayb bay uarkaan ; waxa ay ka meer-meeraystaan raali gelinta iyo isa-saamixidda.

Waxaa ay ku odhan doonaan — waan ku ilaaway , wuu iga dansanaa , waan mashquulay , ma arkaynin , shaqada ayaa igu badan , kaar iigu jidhin , jaajarka ayuu iigu jidhay oo waan ka maqnaa , caruurta ayaa haysatay! "Lama helaan haday noqotay , maxaa la helaan kaa dhigay " jacaylku waa waqti sia siin , is waraysi , iska warhayn ; isku faraxsanaan ; ee ma ahan kala maqnaansho iyo iska warhayn la'aan"

Aan is jeclaano , is fahano — aysan ahayn aan kala guurno isna saanaxna ; waa hadaldiisiiye ! Iyadii maxaa is bedelay soo aniga caadi ah , ku jecel, ku daneeya .!? Isagii : Ma sidan Iyo xidhiidh ! Isagii : Jacaylka dhalaan ayaad ka tahay ee waxba kama taqaanid malaha ! Macnihiisa bal ii qeex un * ? Iyadii : Waa in laisla sheekayso , lasoo wada hadlo * Isagii: Ok ! Haye ; goormee ilasoo hadashay oo iigu kaa dambaysay ? Iyadii: habeen hore ^ Isagii: Hahaaha ! Qoslayba — Intaa oo idil maxaad haysay ?! Iyadii : Waxbo sika mashquulay un ! Isagii : Ma sidaa ayaa hadaba ii xidhiidhisaa ? Isagii: Lais fahmi waa' ee way hagaagi *

FG: "Maxaa dhalinyaradii kala haysta ! " Is jeclaada , jacaylna isku guursada*"

@#Qore://—Hassan Abdijabar 14